Madaxweynaha Somaliland ayaa booqasho ugu tagay mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ahaa madaxwyene ku xigeenkii hore ee Somaliland kaas oo xaalad caafimaad loo dhigay cisbitaal ku yaala magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda iyo ciidanka oo subaxnimadii Salaasada cisbitaalka Gargaar ku booqday mujaahid Xasan Ciise, ayaa wakhti kooban la qaatay waxuuna u rajeeyay caafimaad, sida ay ku warantay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waraystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa xaaladda caafimaad ee madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, wuxuuna saraakiil kale oo xaalad caafimaad u yaala dhakhtarka ku booqday meelaha ay ka yaalaan cibitaalka, sida uu sheegay xafiiska afhayeenka madaxweynuhu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga