Madaxweyne Eva Morales ayaa iska casilay xilka kadib mudaharaado aan kala go’ lahayn oo dalkiisa ka socday labadii todobaad ee lasoo dhaafay.

Doorasho bishii hore ka dhacday dalka Bolivia ayuu ka dhashay muran badani iyadoo kumanaan ka mid ah shacabka waddanku ay dhigayeen mudaharaado ay ku diidanyihiin natiijada doorashada, oo ay sheegeen in madaxweynuhu uu ku shubtay.

Madaxweyne Morales oo 14-sanno u talinayay shacabka Bolivia ayaa si rasmi ah talafishanka dawladda uga shaaciyay in uu xilka ka tagay si dalku uu u galo xasilooni siyaasadeed isla markaana looga hortago rabshado kale oo dhaca.

Mucaaridka ayaa ku baaqaya in si dhakhso ah loo qabto doorasho kale, si dhacabku ay usoo doortaan hogaan kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga