Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 68, 21 September 2019, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidan u dhignaa:

Madaxweynaha Dowladda Puntland markuu Arkay : Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka. Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Mulki Abdisamad Hussein in loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.

2. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixayā€¯ ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaasi uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Wareegtadan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay intii ay Puntland jirtay ee uu maamulkaasi wakiil cusub u magacaabo dal ka baxsan Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga