Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ceydhiyay Rex Tillerson oo ahaa xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka wuxuuna ku bedelay agaasimaha CIA Mike Pompeo.

Sida laga soo xigtay Washington Post, Trump ayaa weydiistay Tillerson inuu ka tago Xilka jimcihii la soo dhaafay.

Tillerson wuxuu soo gaabsaday safar uu ku tagay Afrika Isniintii waxaana uu dib ugu soo laabtay Washington, isagoo su’aal ka keenay mustaqbalkiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tillerson, oo ah guddoomiyihii ugu sareeyay ee shirkadda weyn ee tamarta ee Exxon, waxa uu qabtay xafiiska wasaarada arimaha dibada 1dii Febraayo, 2017.

Tillerson ayaa Sidooo Kale ku dhaleeceeyay Sacuudi Carabiya, UAE, Bahrain iyo Masar,xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo ganacsiga Ee ay U jareen Qatar bishii Juun 5, 2017-Kii

Sida laga soo xigtay Warbaahinta Mareykanka, Trump waxa uu doonayay in uu helo koox cusub ka hor inta uusan wadahadal dhexmarin maamulka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa la ogaaday in Trump uu aqbalay martiqaad uu kula kulmo Hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya, kadib markii Hanjabaado diblomaasiyadeed ay hore U dhexmareen labada hoggaamiye.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga