Joe Biden, madaxweynaha Maraykanka ayaa safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda wuxuu ka bilaabay dalka Ingiriiska oo ah xulafo guun ah oo Maraykanku uu leeyahay.

Biden wuxuu inta uu socdaalkan ku jiray duray wadamo dhawr ah oo dalweynaha Ruushku uu ka mid yahay.

Waa socdaalkii koobaad ee badda uu ka tallaabo tan iyo markii xafiiska loo dhaariyay madaxweynahan Dimuqraadiga ah bishii January ee horaanta sanadkan.

Joe Biden wuxuu dalka Ruushka uga digay wax uu ku sheegay falalka halista ah ee xukuumadda Moscow ay ku kacdo. Waa hadalo aanu weli ka jawaabin aqalka Kremlin-ka ee looga arimiyo dalka Ruushku.

Biden wuxuu daaha ka fayday in Maraykanku uu soo celinayo dhammaan xidhiidhka uu la lahaa dawladaha ay xulafada iyo saaxiibka ahaayeen, kadib afartii sanno ee madaxweyne Trump Aqalka Cad ka ariminayay oo uu xumaaday xidhiidhka Maraykanka iyo dawladaha ay is xulafaystaan.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la kulmaya raysalwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo la filayo in ay heshiisyo cusub qalinka ku duugaan, kuwo hore u jirayna ay dib u dhaqan galiyaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga