Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa laga soo xiganaya ilo ku dhow inuu wado qorshe uu shaqada uga ceyrinayo wasiirka arrimaha dibadda Monica Juma,sida uu baahiyay wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi.

Monica ayaa la sheegay inay awoodi waysey si fiican inay u maareeyso siyaasada arrimaha dibedda ee Kenya. Uhuru ayaa sidoo kale ku qanacsaneyn habka ay wax uga qabatey arrimaha badda ee Soomaaliya.

Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah ayaa Khamiistii oggolaatay inay dib u dhigto dhageysiga dadweynaha ee kiis ku saabsan dacwada Soomaaliya uga gudbisay Kenya xadka badda.

Diiwanhayaha maxkamada Philippe Gautier ayaa sheegay in maxkamada ICJ ay dhageysan doonto dhageysiyada dadwaynaha ee kiiska 4ta bisha Nofeembar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga