Kaymaha Amazon oo kuyaal dalka Brazil oo gubanaya, ayuu madaxwaynaha Faransiisku Emanuel Macron, ka hadlay, isagoo sheegay inay tahay wax-ka-qabashadeedu wax dunida oo dhan u taal.

Hadalkaas, waxaa aad uga xanaaqay madaxwaynaha dalka Brazil isagoo kutilmaamay gumaysi oo kale. Haddaba dhawaan, ayaa qof taageere u ah madaxwaynaha Brazil ninka layidhaa Jair Bolsonaro, uu soo geliyay bartiisa Facebook, sawirrada xaasaska madaxwayneyaasha Braaziil iyo Faransiiska, sawirradaas oo uu kudul qoray qoraal marka la akhriyo noqonaya ‘’Imika waad fahmi kartaa sababta uu Macron sida xun ugula dhaqmayo Bolsanoro’’

Kadib waxaa layaab noqotay in madaxwaynihii Brazil uu faallo ama Comment kasoo dhiibtay isagoo yidhi: ‘’Niyahow weji gabax haku ridin’’ isagoo ula jeeda Macron kadibna uu qosol daba dhigay.

Xaasaska labada madaxwayne ayaa aad u kala da’ wayn, xaaska madaxwaynaha Brazil ayaa aad uga yar midda ka Faransiiska, iyadoo da’doodu kala tahay 37 jir iyo 66 jir.

Mar wax laga waydiiyay madaxwaynaha Faransiiska faallada madaxwaynaha Brazil, ayuu yidhi ‘’Wax xushmad darro ah, ayuu ku yidhi xaaskayga, dadka reer Brazil ixtiraam baan u hayaa, waxaanan rejaynayaa inay heli doonaan madaxwayne hawsha u taal qabsada.

Khilaafka labada madaxwayne, ayaa cirka isku shareeray, kadib markii madaxwayne Macron uu isku dayay hoggaaminta daminta dabka kaymaha Amazon.
Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga