Madaxweynaha maamul-goboleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor ) ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad.

Madaxweynaha Galmudug mudane Qoor-Qoor ayaa mar uu ka hadlayay kulanka danjiraha Qadar u fadhiya Soomaaliya, waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen xaaladda Galmudug oo hataan ay ka socto dib u hishiisiin balaadhan iyo xaaladda guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa magaalada muqdisho u joogay safar shaqo waxaana uu kulamo la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxda xisbiyada qaran oo ay hogaamiyaan madaxweynayaashi hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Socdaalka uu ku tegay Muqdisho madaxwayne Qoorqoor, ayaa yimi kadib kalsooni kala noqoshadii baarlamaanka Soomaaliya ee raysal-wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyadoo dadka siyaasadda Soomaaliya u dhuunta daloolaa ay ku tilmaamayaan kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta Soomaalida iyo kuwa ajaanibka ahba, dedaallo lagu furdaaminayo xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay kalsooni kala noqoshada baarlamaanka iyo soo xulista raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga