Madaxwaynaha maamul-goboleedka Galmudug ayaa gaadhay magaalada Cadaado, qoraal kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yidhi:
”Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Safar dhulka ah kusoo gaaray Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Maamulka, Shacabka Degmadda iyo Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatey waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kana xog wareystay xaalada deegaanka.
Ugu danbeyntii,Madaxweynaha ayaa ku amaanay reer cadaado is xilqaanka iyo isku duubnida ay ku dhisanayaan degmadooda asagoona ubalanqaaday in ay dowladda Galmudug sibuxda ugarabtaagantahay dadaaladooda”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga