Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, waxaa uu amray in xaalad degdeg ah lagu soo rogo Norilsk, oo ah magaalo dhacda Siberia, kadib markii uu halkaasi ku daatay shidaal ka badan 20,000 oo ton webi u dhow goob laga dhaliyo tamarta.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa deegaanka, ayaa ku sheegay inay tahay ‘’musiibo’’ iyadoo la arkay isbedelka ku yimi biyaha.

Masuuliyiin katirsan dawladda Ruushka, ayaa laga soo xigtay hadal ahaa in shaqaalaha goobta tamarta laga dhaliyaa isku dayeen si iskood ah, nadiifinta shidaalka ku qubtay webiga oo aanan soo wargelin shaqaalaha xaaladaha degdegga ah.

Shir uu hoggaamiyay madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa waxaa lagu go’aamiyay in goobtan lagu soo rogo xaalad degdeg ah, iyadoo ay halkaasi gaadheen kooxaha nadiifinta biyaha iyo badbaadinta xayawaanka biyaha kunool.

Saraakiisha Ruushku waxay sheegeen in baadhitaan lagu samayn  doono sababta kalliftay iyadoo masuuliyadda ay qaadi doonaan ciddii ka masuulka ahayd.

Wararka, ayaa sheegay in shidaalka webiga laga arkay uu ahaa mid hoos hoos uga liigayay kayd ay lahayd xarunta tamartu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga