Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay khilaafka mucaaradka iyo xukumaddiisa u dheexeeya, kaasoo ku qotoma Komishanka ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlay munaasibad uu ku daah-furay carwo dhinaca Caafimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa ugu horrayn, caddeeyey inaanay meelna kaga jirin heshiiskii ay saddexda xisbi wada saxeexdeen qodob sheegaya inaan la soo celin Karin xubnihii hore uga midka ahaa komishankii hore ee la beddelay isagoo arrintaas ka hadlay ayuu yidhi “ Laba qodob bay sheegteen, mid waxay yidhaahdeen Komishankaa cusub ee la doortay la shaqayn maynno, waayo madaxweynuhu wuxuu jabiyey heshiiskii xisbiyada, xalaal iftin baa la qashaaye xisbiyada waannu heshiinnay, qodobka ay ku doodeenna waxa yidhaahdeen waxannu ku heshiinnay inaan xubnihii hore Komishanka lagu soo celin, haddii qodobkaas oo qoraal ah ay hayaan ummadda ha usoo bandhigaan, anigu qodobkaas ma saxeexin mana jiraan leeyahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu digtaatooriyad iyo sharci-jebin ku tilmaamay go’aanka ay hoggaanka xisbiga WADDANI kaga soo horjeesteen ansixintii xubnaha komishanka cusub ay ku meelmariyeen golaha wakiilladu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “waxa jira shuruudo lagu qiyaaso komishanka, haddii aan anigu qaldamo waxa iga dambeeya laba isbaaro oo kala ah guddi-hoosaadka Baarlamaanka iyo goleweynaha oo 82 qof ah, waa la gudbiyey oo intiiba way mareen oo guddidii way sii deysay Baarlamaankiinna wuu u codeeyey, yeelimayno ayuu WADDANI yidhi, digtaatooriyadda ka weyn Baarlamaanka yeellimaayo xaggee lagu arkay.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu Axsaabta mucaaridka ah usoo jeediyey inuu dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla, loona hoggaansamo go’aamada sharciyadda ku dhisan ee hay’adaha qaranku soo saaraan.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa hore ugu eedeeyay madaxwayne Muuse Biixi inaanu diyaar u ahayn doorasho dalka ka dhacda, iyagoo sheegay inuu isagu sabab u yahay khilaafka soo noqnoqnaya.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga