Madaxwaynaha jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay shirka 75aad ee golaha guude qaramada midoobay, ayaa kusoo qaaday arrimo dhawr ah.

Arrimaha uu madaxwayne Geelle khudbaddiisa kusoo qaatay, ayaa waxaa kamid ahaa, saamaynta cudurka Coronavirus uu dunida ku raabay iyo sida daran ee uu u saameeyay guud ahaan adduunka, madaxwaynaha ayaa si gaar ah u xusay sida uu u saameeyay dhaqaalaha gaar ahaan dhinacyada dalxiisku ka midka yahay  iyo bini-aadatinimada.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa khudbaddiisa shirka 75aad ee qaramada midoobay ku xusay in dalalka soo korayaa ay doorkooda ka ciyaareen sidii ay dhibaatadani wax uga qaban lahaayeen, balse sidaas oo ay tahay aanay keligood awoodin wax ka qabashada saamayntiisa xun.

Madaxwayne Geelle waxaa uu xusay sida cudurka Coronavirus uu u saameeyay dumarka, carruurta, dadka waawayn iyo qaaxoontiga, isagoo dalalka adduunka usoo jeediyay in la hubiyo wax u qabashada dadkaas. 

Mar uu ka hadlayay qodobka 5aad ee yoolasha horumar waara ayuu madaxwayne Geelle hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu leeyahay yoolkaasi oo dhigay gaadhidda sinnaanta jinsiga  xoojinta haweenka iyo hablaha, taasi oo xudun u ah gaadhidda yoolasha horumar waara.

Madaxwaynaha Jabbuuti waxaa uu sheegay sida dawladdiisu ula tacaashay xakamaynta cudurka Coronavirus, isagoo arrintaasina uga mahadceliyay maaraynta xuduudaha, siyaasadihii xakamaynta, karantiilka iyo dadwaynta dadka qaba xanuunka ee shaqaalaha caafimaadku fulinayeen.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti oo ka hadlaya shirka 75aad ee qaramada midoobay, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo horumarrada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya, inkasta oo ay jireen dhibaatooyinka xanuunka Covid-19, iyo fatahaado, isagoo sidoo kale xusay heshiisyadii lagaga arrinsanayay doorashada ee Dhuusamareeb iyo magacaabista raysal-wasaaraha cusub oo uu madaxwayne Geelle ku tilmaamay inay caddayn u yihiin inay Soomaaliya qaadday jid wanaagsan oo aan soo noqosho lahayn kaasi oo ay ku gaadhayso nabad iyo xasilooni.

Sidoo kale waxaa uu si buuxda u taageeray, hawlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika AMISOM, kaas oo uu ujeedkiisa ku sheegay inuu yahay xakameeyo khatarta Alshabaab.

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bulshada caalamka ugu baaqay inay wadaan taageerada inay siiyeen AMISOM qalabka iyo taageerada dhaqaale ee ay u baahan yihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga