Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ayaa Maanta Safar Ugu Ambabaxay Magaaladda Damaam Ee Dalka Sacuudiga Halkaaas Oo Ay Kaga Qayb Gali Dinaan Shirka 29-Naad Ee Wadamadda Ku Midoobay Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Khudbad Ka Jeedin Doonaa Shirka, Isagoona Madaxda Kale Ee Waddamada Carabta La Wadaagi Doona Xaaladaha Siyaasadda, Ammaanka Iyo Horumarka Ka Socda Somaliaā€¯ Sida Uu Sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horre Waxaa Ugu Sugnaa Dalka Sucuudiga Wasiirka Arrimaha Dibadad Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Hordhac U Ahaa Wafdiga Madaxweynaha,

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Inta Shirkani Uu Socdo Waxa Uu Shirar-Gaar Gaara La Yeelan Doona Madaxda Kala Duwan Ee Kasoo Qayb Galaya Shirkani, Isagoona Kala Wada Hadli Doona Xoojinta Xidhiidhka, Iskaashiga Iyo Danaha Guud Ee Ay La Wadagaan Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga