Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa markii ugu horraysay intii uu hayay jagada madaxtinimada Soomaaliya ka hor khudbadeeyay kulanka guud ee qaramada midoobey.

Khudbadda madaxwayne Farmaajo, oo socotay 23 Minute, ayuu madaxwaynuhu kusoo qaatay qodobbo dhawr ah, isagoo xusay in kawada shaqaynta dawladaha adduunku kawada shaqaynayaan goolasha horumar waaraa tahay, wax aan dal keliya lagu hallayn karayn, una mahadceliyay saaxiibada Soomaaliya taageera iyo doorka qaramada midoobay ee Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa xusay inay Soomaaliya soo kabanayso, kabashadaas oo uu sheegay inay hoggaaminayaan dadkeeda adag.

Madaxwayne Farmaajo ayaa xusay inay Soomaaliya door muuqda ka qaadato horumarka dhaqan-dhaqaale ee ka socda gobolka geeska Afrika isagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin inay taasi kor u qaadayso horumarka dhaqaale, xasiloonaanta siyaasadeed, isku xidhnaanshaha bulsho iyo dhaqanba  iyo tan ugu muhiimsan oo ah dhinaca ammaanka.

Madaxwaynaha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay maalgashadeen jamhuuriyadda Kenya, taasoo uu sheegay inay ka qayb qaadanayso kor u kaca dhaqaale.

Soomaaliya iyo Kiiniya waxay deris ku yihiin badwaynta Hindiya ee xeebaha geeska Afrika, kuwaasoo kuwada naalloonaya xidhiidh nabadgeliyo oo saaxiibtinimo, madaxwaynaha ayaa ka sheegay kulanka guud ee jimciyadda quruumaha ka dhexaysa, inaan weli heshiis laga gaadhin arrinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya, taasoo uu madaxwaynuhu sheegay inay Soomaaliya ku qanci doonto go’aanka ugu dambeeyay ee  maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, sida sharciga adduunku qabana go’aanka maxkamaddu yahay mid qabanaya Kenya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa xusay dedaallada ay dawladdiisu waddo ee dhinacyada ammaanka, waxbarashada, xuquuqda aadanaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada maamul-goboleedyada, ayuu madaxwayne Farmaajo xusay in qaar kamid ah ay doorasho ka dhacday, oo imika diyaargarowgooda lagu jiro sidii ay waddanka uga dhici lahayd doorashada madaxtinimada iyo midda baarlamaanka faderaalku.

Mr. Farmaajo ayaa khudbaddiisa kusoo qaaday, kulan magaalada New York ee dalka Maraykanka ku dhex maray isaga iyo Uhuraha Kenya, kulankaas oo uu ku sheegay inuu ahaa mid midho dhal ah oo uu ku dhex dhexaadiyay madaxwaynaha dalka Masar Cabdilfataax Al-siisi, kaasoo imika ah guddoomiyaha ururka midowga Afrika.

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga