Waxaa goordhowd gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo.
Madaxwayne Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka qaybgalo shirka Dhuusamareeb 3, socdaallka madaxwayne Farmaajo, ayaa yimi kadib markii uu golaha shacabka oo uu la hadlay maanta u ballanqaaday, inuu ula soo noqon doono natiijada shirkaasi.
Shirka Dhuusamareeb 3, oo la filay inay ka qaybgalaan sidoo kale madaxwayneyaasha maamuul-goboleedyada Soomaaliya, ayaa waxaa hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo goor hore soo gaadhay, madaxwaynaha maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya, mudane Cabdicasiis Laftagareen, iyadoo uu halkaasi kusoo dhaweeyay madaxwaynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘’Qoorqoor’’.
Shirka Dhuusamareeb 3, ayaa waxaa si wayn loogu dhagtaagaya waxaa kasoo bixi doona oo ay ugu door-roontahay arrimaha doorashada Soomaaliya.