Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay dalka jamhuuriyadda Jabbuuti, madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay wax ay ku sheegtay in
”Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti”
Socdaalka madaxwaynaha Somaliland ayaa sidoo kale kusoo beegmaya, kadib markii uu Jabbuuti kusoo dhamaaday shirkii urur-goboleedka IGAD, kaasi oo a ku kulmeen madaxwayneyaasha dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedkaasi, iyagoo kaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin dagaalkii gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya, xiisadda diblumaasiyadeed ee Kiiniya iyo Soomaaliya iyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Somaliland ayaan rasmi u shaacin inay ka baxday wada hadallada, iyadoo illaa inta laga warqabo kooxihii farsamada ayaan ku shirin Jabbuuti, taasi oo muujinaysa calaamad in ay istaageen wada hadalladu, illaa haddana ma cadda in safarka madaxwayne Biixi uu ka dhashay shirkii urur-goboleedka IGAD.