Baraha bulshada ayaa aad loogu faafiyay sawirka madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kamid noqday madaxda galbinaysa madaxwaynaha dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo markii 5aad loo caleema-saaray madaxwaynaha dalkaasi.

Madaxda kale ee iyana ka qayb-galay xafladda caleema saarka, ayaa waxaa kamid ah

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, , madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’isul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Rwanda Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente, Madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Pakistan, Turkey, Sucuudiga, iyo France.

Waxaana si gaar ah uu sawirkani usoo jiitay shacabka reer Somaliland oo si wayn uga falceliyay hab-maamuska sare ee lagu qaabilay madaxwaynahooda.

SAAB TV, isha warka laga helo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga