Waxay ahayd munaasabad ballaadhan, taasi oo nooceeda oo kale ay ku yartahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Jamhuuriyadda Taiwan, oo ku taalla bariga qaaradda Eeshiya, ayaa si rasmi ah xafiis-wakiileed uga furatay Somaliland.
Munaasabaddan ay Taiwan xafiis-wakiileedka kaga furanaysay Somaliland, oo ay kasoo qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno, masuuliyiin, marti sharaf iyo dadwayne kale, ayaa waxa ay ka dhacday xarunta xafiis-wakiileedka Taiwan ay ka furatay Hargeysa.
Wakiilka Taiwan ay usoo magacowday Somaliland Lou Che-hwa, ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimadda uu leeyahay xidhiidha Somaliland iyo Taiwan, wakiilku wuxuu sheegay in Somaliland iyo Taiwan ay ka wada shaqaynayaan dhinacyada beeraha, caafimaadka, technology-yadda, waxbarashada, ammaanka, tamarta, macdan-qodidda, ganacsiga, maalgashiga iyo kalluumaysiga.
Wakiilka Taiwan ee Somaliland Lou Chen hwa, waxaa uu soo qaaday soo dhawayntii uu golaha ammaanka qaranka Maraykanku soo dhaweeyay soo gelitaankii geeska Afrika ee Taiwan, isagoo xusay inaanay Somaliland gebi ahaanba keli ahayn haba yaraatee, gabagabada hadalkiisa waxaa uu sheegay wakiilka Taiwan ee Somalialnd Lou Chen hwa inuu u rajaynayo labada dal saaxiibtinmo waarta.
Madaxwaynaha Taiwan Tsai Ing-wen iyo wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu, oo iyana dhanka Online-ka si toos ah oo maqal iyo muuqaal ah uga qayb-qaatay xafladdan, ayaa bogaadiyay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, madaxwayne Tsai Ing-wen ayaa sheegtay inay tahay maalin taariikhi ah iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Taiwan-nna uu sheegay inaanay Somaliland iyo Taiwan qariib isku ahayn, basle illaa sannadkii 2019-kii ay ka wada shaqaynayeen waxbarashada caafimaadka iyo ammaanka badaha.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa warbaahinta uga warramay xafladda ay Taiwan xafiiska kaga furatay Somaliland.