Madaxwaynaha Somaliland oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti, ayaa booqday qaar kamid ah dekadaha dalkaasi.
Madaxtooyada Somaliland ayaa ku warrantay in madaxwayne Biixi iyo weftigii uu hoggaaminayay ay maalintii Jimcihii booqdeen dekedaha Jabbuuti gaar ahaan Tajora iyo Gubeet.
Weftiga madaxwayne Biixi oo ku safaray dhulka, ayaa waxaa ku wehelinayay masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti, Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali), Maareeyaha Dekedaha Jabuuti Abuubakor Cumar Xadi iyo Taliyaha Ciidanka Jamhuuriga, Korneyl Maxamed Jaamac Ducaale.
Madaxtooyada Somaliland waxay ku warrantay in madaxwaynaha iyo weftiisaba laga siiyay goobaha ay booqdeen, iyadoo halkaasi oo ay habeen u hoydeenna loogu sameeyay hadhimo-sharafeed.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa safar ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti, 23-kii bishan Diisember, kaasi oo ay Somaliland ku sheegtay inuu daarran yahay xoojinta xidhiidhka labada dal isla markaana madaxwaynaha jamhuuriyadda Jabbuuti uu ku u fidiyay marti-qaad rasmi ah madaxwayne Biixi.
Kasakow warka madaxtooyada Somaliland, ayaan waxaan jirin ilo-madax bannaan oo xaqiijiyay waxa ay ka wada hadleen labada madaxwayne, xilli uu safarka madaxwayne Biixi kusoo beegmay markii halkaasi shir ugu soo dhamaaday madaxda dawladaha urur-goboleedka IGAD.