Warsaxaafeed kasoobaxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in fadhigii 55aad ee golaha wasiirrada lagaga hadlay arrimo dhawr ah, arrimahaas oo ay madaxtooyadu ku sheegtay inay ahaayeen kuwo muhiim ah, kuwaas oo ahaa xaalada cudurka Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, iyo xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda

Fadhigan golaha wasiirrada Somaliland ee maanta, ayaa waxaa shir-guddoominayay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi iyadoo uu ku wehelinayay madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Cabdirraxmaan Saylici.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo fadhigan goobjoog ka ahaa ayaa dhiniciisa ka war-bixiyey xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda. War-bixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday baa lagu yidhi warasaxaafadeedka madaxtooyada Somaliland kasoo baxay, dardar gelinta ku dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa.

warasaxaafadeedkan, ayaa waxaa lagu yidhi Madaxweynuhu waxa uu guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u saaray in ay ka soo tallo bixiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa guud ahaan dhibaatada ka jirta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta Somaliland.

Xubnaha Guddida:

  1. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida.
  2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
  3. Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
  4. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).
  5. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
  6. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal.
  7. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda JSL, Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi.
  8. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed.
  9. Wasiirka Cadaaladda JSL, Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile.
  10. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga