Madaxwaynaha Somaliland ayaa ka qaybgalay aaska marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Abu-site, Madaxweynaha, ayaa waxa Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site kala qayb-galay shir-guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka axsaabta qaranka, wasiirro, xildhibaanno, ganacsato iyo boqollaal kamid ah mudanta reer Somaliland, kuwaas oo marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Xubno kamid ah madaxda qaranka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday Xusuusta marxuumka iyo guud ahaanba qoyska reer Abu-site ee uu kasoo jeeday oo taariikh dheer ku leh Somaliland, waxana ay Eebbe uga rajeeyeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa marxuumka ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa oo ka baxay bulshada reer Somaliland, islamarkaana safka hore kaga jirey ka qaybqaadashada arrimaha khayriga ah, isaga oo Eebbena uga baryey inuu janneeyo.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site, ayaa kamid ahaa dadka caanka ah ee reer Somaliland, isaga oo ka soo jeeday qoys taariikh dheer ku leh ganacsiga iyo arrimaha Khayriga ah ba.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga