Sida uu ku baahiyey bartiisa twitterka wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea madaxwaynaha dawladda federaalka soomaaliya ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda gaadho caasimadda wadanka Eritrea ee Asmra 

Ra’iisal wasaaraha dalka itooobiya ayaa isagu goor dhawayd gaadhay magaaldda asmara halkaas oo lagu soo dhaweeyey.

Wasiirka warfaafinta ayaa xusay in saddexda hoogaamiye ay wada qaadan doonaan kulamo saddex geesood ah lama garan karo qodobada shirkaasi lagaga hadli dooni

Madaxwayne farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tagay magaaladda asmara ee dalka Asmra 28kii bishii todobaad ee sanadkan safarkaas oo ahaa mid taariikhi ah ayaa madaxwayne farmaajo waxa uu halkaasi ka sheegay in cunaqabataynta dhinaca hubka laga qaado wadanka Eritrea, balse dawladda jabuuti ayaa hadalkaasi cadho wayn ku abuuray.

Dhanka kale Raysal wasaaraha dalka itoobiya oo isbadalo dhanka siyaasadda ah wadda ayaa isaguna safarkiisii ugu horeeyey ku tagay magaaladda asmara 8-dii bishii julay taas oo wax ka badashay cadaawadii dhex taalay labada wadan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga