Madaxweynaha Shiinaha Ayaa Furay Shirka Iskaashiga Siinaha Iyo Waddamada Qaaradda Afrika. Shirkan Ayaa u Jeedkiisu Yahay Sidii Loo Xoojin Lahaa Xidhiidh Uu Shiinuhu La Leeyahay Waddamada Qaaradda Afrika. Waxaana Uu Soconaya Muddo Laba Maalmood Ah,

Inta Uu Shirku Socdo Waxa ay Madaxda Qaaradda Africa Iyo Masuuliyiinta Dawladda Shiiinuhu Isla Eegi Doonaan Sidii Shiinuhu Uu Xoojin Lahaa Maalgashiga Qaaradda Africa Iyo Kor U Qaadida Xidhiidhka Dublamaasiyadeed Ee Uu La Leeyahay,

Madaxda Africa ee Shirka Lagu casuumay Ayaa Dhammantood Kasoo Qayb Galay, Marka Laga Reebo Boqortooyada Iswaasilaand, Ee Ku Taalla Koonfurta Qaaradda Africa.

Shiinaha Ayaa Shirkan Kaga Dhawaaqay In uu Wadamadda Qaarada Africa Siin Doono Lacag Gaadhay 60 Bilyan oo Dollar, Taasi Oo Isugu Jirta Gargaar Iyo Amaah.Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay in Lacagtan Ay Waxqabad Dhinacyo Badana Ku Qabanayso Saddexda Sano Ee Soo Socda.

Madaxweynaha Shiinaha Ayaa Sheegay In Dhaqaalahan Dawladda Shiinuhu Ay Ku Bixinayso Qaaradda aanay Uga Dan Lahay Dano Siysaadeed.

Dawladda Shiinaha, Ayaa Shirkii Kan Ka Horeeyay, ee Ka Dhacay Magaalo Madaxda Koonfur Afrika, Waxa Ay Sheegtay In Horumarka Qaaradda Ku Bixinayso 60 Bilyan, Taasi Oo aan La Ogayn In ay Dhabawday Iyo In Kale.

Shiinaha Ayaa Intii U Dhaxaysay 2000 Ilaa 2016 Waxa Ay Wadamo Ka Tirsan Qaaradda Amaahisay Lacag Gaadhaysa 125 Bilyan, Waxaana Lacagahasi Ay Ku Bixisay Dhismayaasha Jidadka Iyo Wadooyinka.

Xidhiidhka Shiinaha Iyo Waddama Qaaradda Afriaka Ayaa Bilaabmay Sannadihii 1950-Kii. Shiinaha Ayaa Xilliyadaa Maalgaliyay Dhismaha Waddooyn Tareen ah Oo Laga Dhisay Waddamo Ku Yaalla Africa.

Wixii Ka Dambeeyay Waqtigaas Shiinuhu Qaaradda Africa Waxa Uu Ka Hirgaliyay Maalgalin Balaadhan, Taasi Oo Sannadkii 2015 Lagu Qiyaasay In Lacagta Shiinuhu Uu Guud Ahaan Ku Maalgashaday Qaaradda Ay Gaadhayso 60 Bilyan.

Tallaabooyinka Maalgashi Ee Shiinaha Ayaa Waxa Ay Ka Cadhaysiisay Maraykanka Iyo Waddama Reer Galbeedka.

Xidhiidhka Ganacsi Ee Shiinaha Iyo Qaaradda Dhex Maray Sannadkii 1955-Kii ayaa Ahaa 12 Bilyan Oo Kaliya, Halka Sannadkii Ina Dhaafay Uu Gaadhay 390 Bilyan Oo Dollar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga