Madaxweynaha Ruusha, Vladamir Putin Ayaa Khudbaddiisii Sanadlaha Ahayd, Ee Uu Ka Horjeediyay Baarlamaanka Dalkaasi Ku Sheegay In Dalkiisu Uu Samastay Gantaal Baalisti Ah, Kaasi Oo Iskaga Tallaabaya Qaaraddaha.

Vladamir Putin Ayaa intaas ku daray in aanay Qaban Karin Raadaarada Gaashaanada Ka Hortaga Ganataalada Noocaas Oo Kale Ahi.

Hubkan Cusub Ayuu Madaxweynuhu Sheegay In uu Gaadhi Karo Meel Kasta Oo dunida Ah.

Putin Ayaa Mar Kale Sheegay In Dalkiisu Ay Ku Hawlan Yihiin Horumarinta Gujisyo Xambaara Madaxyada Nukliyeerka, Waxaana Uu Guul Ka Sheegtay Tijaabo Nukliyeer Cusub Oo Ay Tijaabiyeen Sannadkii Hore.

Dhanka Kale Wasiirka Gaashaandiga Dalka Ruusha Ayaa Sheegay Inay Dalka Suuriya U Dirayaan Diyaarado Dagaal Oo Dheeraada.

Madaxweyne Vlamid Putin Ayaa Dalka Ruushka Xukumayay 18 Sano, Haddana Wuxuu Sharraxan Yahay Doorasho Afraad Oo Uu Yahay Isagu Qofka Kaliya Ee Ka Tartamaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga