Madaxwaynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa isagoo ku sugan magaalada Boosaaso kulan degdeg ah iskugu yeedhay golihiisa wasiiradda.

Warar Saab TV, helay, ayaa sheegay in shirkani uu gebi ahaanba ka duwan yahay shirarkii hore ee ay yeelan jireen madaxwaynaha iyo golihiisa wasiiraddu, taasoo la filayo in lagaga wada hadlo arrimo door ah, sida shirkii kusoo idlaaday magaalada Muqdisho, khilaafka ka dhexeeya Puntland iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya, arrimaha ammaanka iyo arrimo kale.

Xukuumadda federaalka Soomaliya, iyo maamulka Puntland, ayuu khilaaf u dhexeeyaa, khilaafkaas oo sababay inay Puntland gebi ahaanba qaadacdo shirkii iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

 

Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga