Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa ku hanjabay inuu gebi ahaanba joojin doono xogaha sirta ah ee uu Maraykanku la wadaago dalalka macaamilka la leh shirkadda shiinaha laga leeyahay ee Huawei, warkan ayay wakaaladda wararka AFP kasoo xigatay danjiraha Ameerikaanka u qaabilsan dalka Jarmalka. 

Xukuumadda Washington D.C, ayaa dalalka xulufada ah la ah ku cadaadineysa inay gebi ahaanba joojiyaan adeegsiga barnaamijka 5G kaasoo ay soo saartay shirkadda Huawei, oo ah mid ka mid ah shirkadaha teknoolajiyadda ee ugu weyn caalamka, sababo b ay Maraykanku ku andacoonayaan la xidhiidha dhanka amniga.

Danjiraha Maraykanka ee Jarmalka Richard Grenell ayaa sheegay in madaxwane “Trump uu ku amray inuu caddeeyo dalka doorta inuu isticmaalo adeegga aan la aamini karin ee 5G ee Huawei, kaasoo oo uu sheegay inuu halis gelinayo awoodda aan kula wadaagi karno siraha heerkoodu sarreeyo.

Danjire Grenell, ayaa barta twitter-ka ku sheegay in madaxwaynaha Maraykanku maalintii Axadda ahayd kala soo hadlay diyaaradda Air Force One ee madaxwaynaha Maraykanka lagu qaado, si uu ii ogaysiiyo buu arrintan.

Dalal badan oo kuyaalla qaaradda Europe, kuwaas oo xulafo dhow la ah dalka Maraykanka kuwaas oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Britain, ayaa hore u sheegay inaanay joojin doonin shirkadda Huawei balse ay xannibaado kusoo rogi doonaan adeegga 5G ee ay shirkaddaasi soo saartay.

Shirkadda Huawei waxay si kulul u beenisaa eedeymaha Mareykanka, islamarkaana Beijing ayaa sida loola dhaqmayo ku macneysay “awood sheegasho dhaqaale.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga