Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ka jabay cagta midig ka dib markii uu siibtay isagoo la ciyaaraya eygiisa Major.
Dhaawaca ayaa lagu ogaaday baaritaanka maalintii Axada waxayna u badan tahay inuu u baahan doono inuu xirto bootin-dhowr ama buudh loogu talagalay in lagu xakameeyo dhaawaca muddo todobaad ah, sida uu sheegay dhakhtarkiisa gaarka ah.
Madaxwaynaha doorran, Biden ayuu dhaawaca soo gaaray Sabtidii waxaana loo qaaday dhaqtarka lafaha ee magaalada Newark, Delaware, galabnimadii Axada, sida uu baahiyay xafiiskiisu.
“Raajooyinka hore ma soo bandhigin jab muuqda,” laakiin shaqaalaha caafimaadka ayaa amar ku bixiyay baaritaan CT oo faahfaahsan, sida uu sheegay dhakhtarkiisa Kevin O’Connor, Baadhitaankii ku xigay ayaa laga helay jab ku yimi laba lafood oo yar yar dhexda lugtiisa midig, ayuu yidhi O’Connor, dhakhatarka gaaarka ah ee Biden, isagoo intaasi ku daray inuu u baahan doono kabitaan socod muddo dhowr toddobaad,”
Jabniinka dadka waawayni, wuxuu leeyahay walaaciisa gaarka ah, balse midka madaxwaynaha la doortay ee Maraykanku wuxuu u muuqdaa mid fudud, kaas oo ah sidii murgacasho oo kale.
Ninkani madaxwaynaha loo doortay, ayay da’diisu tahay 78 jir, wuxuuna noqonayaa madaxwaynihii ugu da’da waynaa marka la caleemo saaro bisha January.
Weriyeyaasha wax ka qoraya xaaladda madaxweynaha la doortay lama siin fursad ay ku arkaan Biden, in kasta oo codsiyo badan la weydiistay.
Biden iyo xaaskiisa, Jill, waxay korsadeen Major waa eyga uu odaygu la ciyaarayee, sannadkii 2018, laakiin eygan eygii ka horreeyay oo la dhihi jiray Champ, ayaa la joogay sannadkii 2008 waxaana haatan qorshaha ugu jira inay reerka kusoo biirto bisad.