Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya inay iskaga baxaan gobolka Gedo, madaxwayne Madoobe, ayaa sidan ka sheegay mar uu ka qaybgalay xafladda furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulka Jubbaland. 

Madaxwayne Madoobe oo ka hadlayay xaaladda ka taagan gobolka Gedo, ayaa waxa uu sheegay in duulimaadyadii rayidka ahaa ee tegi jiray degmooyinka Doolow, Baardheere, Garbahaarray, Luuq iyo Buurdhuubo aanay tegin deegaannadaasi, balse ay tagto oo keliya diyaarad ciidan.

“Maanta waxay noqotay in boqollaal kun oo Beled Xaawo degganaa, ay kuleylka bishan Maarij ee lagu jiro intay barakacaan uusan qof walba garaneyn halka uu joogo, waa dhaxalka ay keentay dowladnimada Soomaaliya”

“Arrinta gobolka Gedo, shuruud la`aan dowladda federaalka haka baxdo, ciidankeeda haka qaaddo, haka baxdo, miiska wada hadallada aan isugu nimaadno”

Madaxwayne Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay faragelin ay ajnabi ku hayaan Soomaaliya, isagoo si gaar ahna u xusay saraakiil uu sheegay inay yihiin Itoobiyaan.

Axmed Madoobe, madaxwaynaha Jubbaland waxa uu ugu baaqay Qadar inay joosiso lacagta ay siiso dawladda Soomaaliya, isagoo Turkigana usoo jeediyay inuu isna joojiyo sida khaldan ee loo isticmaalayo ciidanka uu usoo tababaro Soomaaliya.

“Waxaan odhan lahaa dowladda Soomaaliya wax lagu aamini karaa maanta ma jirtee, hawadana cid kale oo noo haysa haloo dhiibo, ciidamadan la soo tabobarayana, Qadareey lacagta aad bixineyso naga daa ee waddanka dhibaatada ku ah, Turkina waxaad tabobareyso jooji oo taariikhda Soomaaliya geli doonta.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxaa uu bogaadiyay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, isagoo xusay inaanay dawladahaasi wax farogelin ah ku yeelan waxa ay dalka u joogaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga