Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa waxaa uu ku qaabilay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed.

Madaxweyne Geelle iyo taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa kulankooda kaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya Amaanka dalka Soomaaliya iyo sida dowladda Jabuuti uga qeybqaadan karto gacan ku siinta ciidamada Booliiska Soomaaliya sugida nabad-galyada guud ee dalka.

Madaxweyne Geelle ayaa balanqaaday in dowladdiisu sii wadi doonto tababarada ay siiso ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Geelle sida uu mar walba u barbartaagan yahay dowladnimada Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga