Madaxwaynaha Faransiiska Macron, oo ku sugan caasimadda dalka Latvia ee Riga, ayaa waxaa uu sheegay, in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu kaalintiisa qaato, waxaanu si adag u cambaareeyay taageerada uu Turkigu u muujiyay dalka Azerbaijan.

Azerbaijan ayaa ah dal Muslim ah, isagoo Turkigu u arkaya xulafadiisa koowaad.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa ka jawaabtay hadalka madaxwaynaha Faransiiska, waxaanay ku tilmaamtay inuu taageerayo qabsashada Armenia ee dhulka laysku haysto.

Dagaalka u dhexeeya labada dal ayaa socday illaa maalintii Axaddii, waxaana ku geeryooday dad tiradoodu gaadhayso 100 qof.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga