Madaxweynayaasha wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa shir degdeg ah ka yeelanaya qalalaasaha ka jira wadamada Itoobiya iyo Sudan.

Shirka ayaa la qorsheeyay in 15-ka bishan uu ka qabsoomo magaalada Kampala ee caasimadda waddanka Uganda.

Madaxda IGAD waxay isku dayayaan in ay xal u helaan xaaladaha qalafsan ee ka jira labadan waddan ee xubnaha ka ah ururka.

Itoobiya weli waxa loo maaro la’yahay dagaalka Tigryaga halka Sudan-na aan lagu heshiin talada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga