Qaar ka mid ah hogaamiayayasha caalamka ayaa la arkay iyagoo xamanaya madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump.

Madaxweynaha Faransiiska iyo ra’iisul wasaarayaasha Canada iyo Ingiriiska ayaa la arkayay iyagoo hadal haya madaxweyne Trump, xili ay ka qayb galayeen shirka ay isugu yimaadeen hogaamiyayaasha wadamada xubnaha ka ah uruka NATO, shirkaas oo ka dhacayay magaalada London ee caasimadda u ah dalka Ingiriiska.

Madaxdan ayaa is waydiinaysay xaguu kusoo habsaamay, iyadoo ay si maad leh iskugu jawaabayeen.

Muuqaal laga duubay ayay baahisay warbaahinta dalka Ingiriisku, iyadoo wali aanu ka fal-celin madaxweyne Trump.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga