FILE PHOTO: World Health Organization (WHO) Director-General Tedros Adhanom Ghebreyesus attends a news conference in Geneva Switzerland July 3, 2020. Fabrice Coffrini/Pool via REUTERS/File Photo

Mawjad kale oo xanuunka Covid-19 ah ayaa laga cabsi qabaa guud ahaan dunida. Khubarada caafimaadka ayaa saadaalinaysa in wadamada qaar la kulmi karaan dhimasho iyo kiisas ka badan kuwii hore loogu arkay.

Madaxa hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa galay xaalad karantiin ah, kadib markii xanuunka looga shakiyay.

Dr. Tedros oo Itoobiya kasoo jeeda ahna Afrikaankii ugu horeeyay ee madax ka noqda hay’adda WHO ayaa sheegay in qof uu la macaamilay laga helay xanuunka Covid-19, isaguna uu is xakamaynayo, kana shaqayn doono gurigiisa.

Wadamada Galbeedka kiisaska ayaa sii kordhaya dalal badan.

Maraykanka 9 million oo kiis in ka badan ayaa la diwaan galiyay, iyadoo ololayaasha madaxweyne Trump loo tirinayo in ay kumanaan kiis oo cusub soo kordhiyeen.

Dalka Ingiriiska, raysalwasaare Boris Johson, wuxuu saadaalinayaa in dadka xanuunka u dhimanaya ee gudaha dalkiisu ay laba jeer ka badnaan doonaan dhimashada imika la hayo xiliga jiilaalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga