Gabadh maayir ka ah magaalo lu taala Bolivia ayay dhulka jiid-jiideen kooxo gadoodsan oo mudaharaadayaal ahi.

Patricia arce, ayay kooxo mucaaridka taageersani ay kala soo baxeen xafiiskeeda, iyagoo si khasaba qayb ahaan timaha uga jaray, kadibna lugaysiiyay wadooyinka magaalada. Gabadhan oo maayir ka ah magaalada Vinto ee gobolka Cochabamba oo dhaca badhtamaha Bolivia ayaa la arkayay iyadoo rinji cas la mariyay kadibna saxaafadda la hadlaysa.

Sheekada maayirkan ayaa qabsatay baraha ay bulshadu kuwad xidhiidho, iyadoo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

Madaxweynaha Bolivia ayaa si adag u cambaareeyay falkan, isagoo ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen xisbiyada mucaaridka ahi. Maayirka ayaa ka tirsan xisbiga isbahaysiga madaxweynaha.

Dalka Bolivia ayay ka jiraan rabshado ka dhashay doorashada madaxtinimada dalkaas oo lagu muransanyahay natiijadeeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga