Inta la ogyahay saddex maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiista ku xidhnayd xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa baxsaday.

Maxaabiista ayaa ka tirsanayd kooxda alShabab ee dagaalka kula jirta dawladda Soomaaliya, waxaana hore ay maxkamaddu ay ugu riday xukuno sanado dhaadheer ah ahlka mid ak mid ahina uu xabsi daa’in ku xukunnaa. Wali waxa maqan laba maxbuus oo aan la ogayn meesha ay qabteen.

Wararka ayaa tilmaamaya in xabsiga la dhigay askartii ku qornayd ilaalada xabsiga wakhtiga ay baxsadeen saddexda nin, xili xabsiga Muqdisho aad loo ilaaliyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga