Shir Lagaga Hadli Doono Dib U Eegista Dastuurka Soomaalya Oo 13 Bishan May Ka Furmi Doona Muqdiso Ayay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka Iyo Arimaha Diinta Jubbaland Shaacisay In Aysan Ka Qeyb-Gali Doonin Shirkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka Iyo Arimaha Diinta Jubbaland Dr. Aadam Ibraahim Aw-Xirsi Oo Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay In Shirkaasi Aysan Ka Qeybgali Doonin.

Arrintan Ayaa Imanaysa Ayadoo Mudooyinkii U Danbeeyay Uu Soo Ifbaxayay Khilaaf Siyaasadeed Oo U Dhexeeya Dowladda Dhexe Iyo Qaar Kamid Ah Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam Oo Dhawaan Markii Uu Dib Ugu Soo Laabtay Kismaayo Qabtay Shir Jaraa’Id Ayaa Dowladda Ku Eedeeyay In Aysan Ixtiraamin Dowlad Goboleedyada, Isagoo Madaxda Dowladda Ugu Baaqay In Ay Ilaaliyaan Xuquuqda Dastuuriga Ah Ee Ay Leeyihiin Dowlad Goboleedyada Dalka Ka Jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga