Maamulka Hirshabeele ayaa kasoo hor jeedsaday shirka maanta Muqdisho ka furmaya ee Golaha Wadatashiga Qaranka, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeele.
Qoraalka Hirshabeele ayaa lagu xusay in maamulku uu ka war sugayo fulinta heshiiskii 17 Spetember iyo kii bishii May Muqdisho lagu saxeexay, balse aanay khusayn isla markaana aanay aqoonsanayn wixii kasoo baxa shirka Muqdisho ka furmaya.
Raysalwasaaraha Soomaaliya, madaxda afarta maamul ee kale, iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ku shiraya iyagoo hawlaha doorashada kasii wada hadli doona.