Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo katirsan gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay dileen xubno katirsan Al-Shabaab Kadib markii ciidamada dawladda federaalka ay weerar ku qaadeen baabuur ay saarnaayeen.

Maxamuud Nuur Cagajoqof (Dabaashe), guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, ayaa warbaahinta u sheegay inay dileen 20 Shabaab katirsanaa, halka ay ka qaateen qoryo tiro ahaan dhammaa 18 qori.

Sida uu guddoomiyuhu sheegay hawlgalka ayaa ka dhacay waddada xidhiidhisa Buula-burde iyo degmada Jalalaqsi.

Alshabaab weli Kama hadal dhacdadan.

Wixii warar kasoo Kordha kala soco Saab TV.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga