Maalinta 18 May waxa si wayn looga xusaa guud ahaan deegaanada Somaliland iyo dhulalka kale ee ay ku sugan yihiin dadka Somaliland kasoo jeeda.

Maxay tahay 18 May

18 May waa maalinta ay Somaliland ku dhawaaqday in ay xornimada kalasoo noqotay dalka Soomaaliya oo ay la midawday sanadkii 1960.

Taariikhdu markay ahayd 18 May 1991 ayay Somaliland gaar ahaan beelaheedu ku heshiiyeen in ay dhistaan qaran madax banaan oo ay kaga dhawaaqeen maalintaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sanadkan waa sanad guuradii 31-aad ee Somaliland ay xusayso maalinta ay xornimadeeda kalasoo noqotay Soomaaliya, isla markaana baaba’day Jamhuuriyadii Soomaaliyeed.

Xornimada  1960

Somaliland waxay markii ugu horaysay xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska sanadkii 1960 balse Sooamaliya ayay isla sanadkaa la midawday iyadoo kalasoo noqotay maalintan ay xusayso ee 18 May 1991.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga