Lataliyaha sare ee Aqalka Cad Jared Kushner iyo kooxdiisa ayaa usbuucan u safri doona sacuudiga iyo qadar si ay ugala hadlaan xalinta qilaafaadka udhaxeeya wadamada khaliijka ee dariska ah sida ay qortay warbaahinta mareykanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters maalintii Axada in Kushner uu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman (MBS) magaalada Neom ee Sacuudiga, iyo amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. dalka maalmaha soo socda.

Kushner wuxuu u hamuun qabaa inuu ka dhaadhiciyo hogaamiyaasha Sacuudiga iyo Qadar inay heshiiyaan oo ay heshiis ka gaaraan arimo dhowr ah, sida ay qortay Axios oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah.

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Baxrayn iyo Masar waxay jareen xiriirkii diblomaasiyadeed waxayna xayiraad dhulka, badda iyo cirka ah saareen Qatar sanadkii 2017, iyagoo ku eedeeyay Doha inay “taageerto argagixisada” ayna soo saartay liis 13 dalab ah.

Qatar way diiday eedeymaha iyo dalabaadka waxayna ku eedeysay wadamada xanibaada ku haya inay weeraraan madaxbanaanideeda.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Robert O’Brien horaantii bishaan wuxuu cadeeyay in xalinta xiisada khaliijka ay tahay ahmiyada koowaad ee maamulka isla markaana ay macquul tahay inay dhacdo ka hor inta uusan xafiiska ka tagin Trump bisha january.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga