Tigraygu waxay sii wadaan in ay la wareegaan deegaano ka mid ah dhulka hore looga qabsaday iyo kuwo kale oo ay dulllaan ku qabsadeen.

Saacdaihii lasoo dhaafay, dagaalamayaasha Tigray oo wata hub badan waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela. Waa magaalo qadiim ah oo sanado badan ka hor loo asteeyay in ay tahay mid ka mid ah dhaxalka aadamaha, waxayna hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay u aqoonsatay boqcad taariikhi ah.

Lalibela waxay ka tirsantahay dhulka Amaxaarada ama Xabashida ee Itoobiya, waxaana ka talin jiray qaybo ka mid ah boqortooyooyinkii faca waynaa ee Itobiya soo maray.

Madhabka Orthodox loo yaqaano ee Kiristanka ayay magaaladani muhiim u tahay iyagoo aaminsan in ay tahay meel barako badan, waxaana ka dhisan kiniisad jirtay muddo ka badan 13 qarni.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga