Cabdirrauuf iyo Cabdillaahi, oo diintoodu Islaam tahay, ayaa rabay inay u dhoofaan dalka Maraykanka, balse markii la gaadhay xilligii ay diyaaradda ay raaci lahaayeen, ayaa laga lagu wargeliyay in duulimaadkii ay raaci lahaayeen dib u dhacay.

 

Runta, ayaa ahayd inaanu jirin duulimaad dib u dhacay, balse laga shakiyay labadan nin ee muslimiinta ah, midkood, ayaa laba jeer galay qolka nasashada ee madaarka, waxaanu kasoo baxay isagoo faraxsan.

 

Qaar kamid ah, shaqaalaha diyaaradda American Airlines, iyo mid kamid ah rakaabka diyaaradda raacayay, ayaa FBI-da ku wargeliyay inay ka shakisan yihiin labadan nin.

Labdan nin ayaan wada socon oo uu mid weliba gaarkiisa u safrayay, basle waxaa looga shakiyay ayaa ahaa keliya inay yihiin muslimiin.

 

Nin kamid ah FBI-da oo dhar cad ah, ayaa cabbaar waraysi la yeeshay kahor intii aanu Boolisku goobta iman, booliska, ayaa u xaqiijiyay labada nin, in sababta loo soo wargeliyay ay tahay in iyaga la shakiyay, cabbaar baadhis lagu waday, ayaa kusoo af-jarantay inaan wax dembi ah lagu helin, taasoo ay aad uga xanaaqeen labada nin kuna tilmaameen in sharaftoodii meel looga dhacay.

 

Shirkadda American Airlines, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay masuul ka tahay ilaalinta iyo badqabka rakaabkeeda, shirkaddan ayaa marar hore lagu eedeeyay inay faquuq kula kacdo rakaabka raaca diyaaradaheeda.

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga