Muddo todobaad keliya ah, sarkaalkii labaad ee katirsan shaqaalaha aqalka cad ee dalka Maraykanka, ayaa laga helay Coronavirus iyadoo kaaliye sare oo katirsan xafiiska madaxwayne-ku-xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence la sheegay in laga helay xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Kadib markii xanuunka laga helay Katie Miller oo aqalka cad ka tirsan, iyadoo karantiilna la geliyay qaar kamid ah shaqaalaha xafiiska madaxwayne-ku-xigeenka Maraykanka.

Wararka ay qorayso warbaahinta dunidu oo soo xiganaysa aqalka cad ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in madaxwayne Trump iyo ku xigenkiisa maalin walba laga baadho cudurkan,  islamarkana aan illaa hadda laga helin Fayraska Corona.

Gabadha laga helay Corona-ha ayaa ah xaaska kaaliyaha madaxwayne Trump ninka layidhaa Stephen Miller, iyadoo mar horena laga helay mid kamid ah saraakiisha dhanka Militariga ee sida dhow ula shaqeeya madaxwayne Trump.

Madaxwaynaha Maraykanka Trump waxaa uu sheegay inaanu ka walaacsanayn Corona-ha oo ku dhex faafa aqalka cad, waxaanu sheegay inaanu jeclayn marada afka lagu duubto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga