Toogasho ka dhacday deegaanka Buurane oo katirsan gobolka Shabeellada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhaawacmay laba kamid ah ciidamada dalka Burundi ee ka tirsan hawl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarkan, ayaa sida ay wararku sheegayaan ahaa mid gaadmo ah oo lagu soo qaaday saldhigga ciidamada reer Burundi ay halkaas ku leeyihiin iyadoo sida ay warbaahinta qaarkeed ay dad xogagaal ahaa u sheegeen in askarta la toogtay ay ahaayeen kuwii joogay kadibka saldhigga ciidamada Burundi saldhigooda tuulada Buurane.

War kasoo baxay hawl-galka nabad ilaalinta SooomaaliyA ee midowga Afrika  ayaa lagu sheegay in xilliga weerarku dhacay ay ahayd kadib markii albaabka laga furay booyad rayid ah. 

Dadka deegaanku waxaa kale oo ay warbaahinta u sheegeen in rasaasta dhacaysay ay ahayd mid xoog badan, iyadoo weerarkan maalintii ka horraysayna qarax lala bartilmaameedsaday baabuur ay lahaayeen ciidamada reer Burundi ee deegaanka Buurane, wararka ayaa sheegay in rasaas ay fureen ciidanku ay ku naf waayeen laba qof oo raydi ahaa kuwaas oo xoolo dhaqato ahaa.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga