Wararka Saab TV kasoo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa sheegaya in galabta gudaha magaalada Laascaanood lagu khaarajiyay guddoomiyihii maxkamadda sare ee gobolkaasi Xasan Sheekh.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay baabuur noociisu yahay Nooho oo kursiga darawalku burburay qaraxa aawadii, inkasta oo aan illa iyo hadda jirin cid si madax-bannaan Saab TV ugu xaqiijisay saxnimada sawirradaas, balse ilo-xogogaal ah ayaa Saab TV u sheegay in madaxda dawladda badanaa ilaalladu ka hadhaan xilliga galabtii oo ay raacaan subixii oo keliya.

Illaa hadda lama oga cidda ugu rakibtay baabuurka qaraxa guddoomiyihii maxkamadda ee gobolka Sool, laamaha ammaanka, ayaa wada baadhis ay ku ogaanayaan cidda falka fulisay.

Wixii warar kasoo kordha kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga