
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku guulaysatay tijaabinta gantaal noociisu yahay kuwa jabaqda ka dheereeya ”hypersonic”, maalintii Arbacadii, waana tijaabadeedii ugu horreysay ee hub ah sanadkan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.
Warbaahinta dawladda ee KCNA ayaa sheegtay in ay “si sax ah u garaacday” bartilmaameed la dhigay meel 700km (434 mayl) u jirta.
Kani waa tijaabadii labaad ee la soo sheegay ee gantaalaha hypersonic, sida wararka uu Saab TV helayaa sheegayaan.
Waxaanay tijaabadaani imaanaysa iyadoo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu horay wacad ugu maray inuu xoojin doono difaaca Pyongyang.
Mr Kim waxa uu khudbadda sanadka cusub ku sheegay in Pyongyang ay sii wadi doonto xoojinta awooddeeda difaac, sababo uu ku sheegay in jewiga milatari uu sii kordhayo gacanka Kuuriya.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sannadkii hore tijaabisay gantaalo kala duwan, hakad ay ku jireen wadahadalladii ay kula jireen Koonfurta iyo Mareykanka.
Pyongyang ayaa ku biirtay dalal tiro yar tiro, kuwaas oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Shiinuhu, oo isku dayaya inay samaystaan gantaalaha hawada sare.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.