Kim Jong Un, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, wuxuu ku amray ciidamada dalkiisa in ay kordhiyaan awoodda difaaca ee dalkaas korna loo qaado awoodda weerarada.

Waa xili sawiro laga qaaday hawada sare ay muujinayaan diyaar garoow xoogan oo Kuuriyada Waqooyi ay ugu jirto tijaabo dhanka nukliyeerka ah, sanado kadib markii ay shaacisay in ay kordhinayso awoodeeda hubka wax gumaaada ee nukliyeerka.

Waxa la filayaa in Kuuriyada Waqooyi ay 5 sanno kadib markii ugu horaysay samayso tijaabo dhanka hubka nukliyeerka ah. Waxa ugu danbaysay sanadkii 2017.

Tijaabadan ayaa daba socotay bishii hore oo ay gantay gantaalkii ugu waynaa abid ee ay tijaabiso. Wuxuu ahaa gantaal xambaari karayay madaxyo badan oo nukliyeer ah isla markaana duqayn karayay meel walba oo ka mid ah ciidda Maraykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga