Kim Jong Un, hogaamiyaha da’da yar ee Waqooyiga kuuriya ayaa sheegay in dalkiisu uu dhisayo milatari aan la loodin karin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kim wuxuu xusay in kaliya ay kordhinta awoodooda uga danleeyihiin in ay isku difaacaan, balse aanu qorshahoodu ahayn xiisad abuur.

Hogaamiyaha Kuuriya Waqooyi wuxuu hadalkan jeediyay mar uu ka qayb galay bandhig hal-abuureed naadir ah oo dhanka difaaca ah, kaas oo lagusoo bandhigayay hub kala duwan iyo farsamooyin milatari.

Hadalka Kim Jong Un wuxuu sidoo kelimanaya xili Koonfurta Kuuriya ay tijaabisay gantaalada quusa ee ridada dheer, arintaas oo xukuumadiisu ay cambaaraysay.

Waqooyiga kuuriya waxay ku eedaysay dalka Maraykanka in uu abuurayo xiisadda ka dhaxaysa Waqooyiga Kuuriya iyo Koonfruta. 

Wada hadalo u dhexeeyay Kuuriya Waqooyi iyo Maraykanka ayaa hakad galay iyadoo kaliya eedaymo iyo hanjabaado ay dhinacyadu hawada isu mariyaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga