Waqooyiga Kuuriya waxay eedaymo culus u jeedisay dalka Maraykanka, kadib war kasoo baxay saraakiisha sare ee dalkaas.

War ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee xukuumadda Pyongyang ayaa lagu xusay in Maraykanku uu siyaasad cadaawad ku dhisan dalkaas ku bilaabay tan iyo intii uu xafiiska yimi madaxweyne Joe Biden dabayaaqada bishii January ee sanadkan.

Xukuumadda Pyongyang waxay intaa ku dartay in aan loo dul qaadan karin sida tallaabooyinka Washington.

Hadalka Waqooyiga Kuuriya ayaa imanaya maalmo kadib markii madaxweyne Jor Biden uu sheegay in barnaamijka nukliyeerka ee Waqooyiga Kuuriya uu halis ku yahay nabadda dunida.
Aqalka Cad ayaa sidoo kale tilmaamay in uu tallaabooyin beegsanaya KuuriyadaWaqooyi ka qaadayo dalkaas.

Qiimayn uu Maraykanku ku samaynayay dib ula macaamilka Kuuriyada Waqooyi ayaa imika dhammaad ku dhaw, waxaana ku xusan sida uu maamulka Joe Biden ula xidhiidhi doono Pyongyang.
Wuxuu qorshahan kala tashanayaa wadamada Koonfurta Kuuriya iyo Japan oo jaar la ah Waqooyiga Kuuriya isla markaana ay saamaynayaan siyaasadaha gobolkaasi.

Maraykanka ayaa Kuuriyada Waqooyi u diidan in ay gacanta ku dhigto hubka wax gumaada ee nukliyeerka, balse Pyongyang ayaa ka hor timi kuna taagan qorshaheeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga