Kurdiyiinta dalka suriya ayaa ku dhawaaqey in ay ku heshiyeen xukumada dalka suriya ee fadhigedu yahay magalada dimishiq, in ay si wadajira ula dagaalaman turkiga dulaanka ku soo qadey waqooyiga dalka suriya ee kurdiyiintu ay gacanta ku hayaan .

Ciidamo ka socda dawlada suriya ayaa tagi doona deeganada ku dhow xududka uu dhexeeya turkiga iyo suriya ee hada dagaalku uu ka socdo .

Ciidamadan ayaa tageeri doona ciidamada kurdiyiinta ee dagaalka kula jira turkiga ,isla markaana waxaay ciidamadani si wadajira ula dagaalami doonan ciidamada turkiga ,ee dagaalka ku soo qadey deeganada waqooyiga dalka suriya ee kurdiyiintu ay mamulan.

Turkiga ayaa kurdiyiinta uu aqoonsan urur argagixiiso oo khatar ku ah amniga dalka turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga